Wararka
Safiirka Jabuuti u jooga Soomaaliya oo dhambaal ku aadan 27-ka Juun u diray Shacabkiisa.
Safiirka dowlada Jabuuti ujooga Soomaaliya ayaa hambalyo u diray shacabka reer Jabuuti taasi oo ku aadan 27 juun oo ku beegan maalinkii ay xurnimada qaateen.
Danjiraha ayaa sidoo kale dhambaal farxaded u diray ciidamada Qalabka sida ee Jabuuti kuwaas oo lagu magacaabo Hiil Walaal waxaa uuna kula dar daarmay in ay ka shaqeeyaan xeriirinta labada shacab ee walaalaha ah.
Dowladnimada Jabuuti ayaa 43-sano jirsatay waxaa ayna xuriyada ka qaadatay faransiiska oo kamid ahaa dowladaha reer Yurub ee qaybsaday Qaarada Africa waxaa ayna qaateen xurnimada 27-kii June.
safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti ujooga Soomaaliya oo hambalyo u diray shacabka reer jabuuti taasi oo ku aadan 27 juun oo ku beegan maalinkii ay xurnimada qaateen
Posted by TUSMO TV on Saturday, 27 June 2020