Wararka

Golaha shacabka oo meel mariyay xeerka matalaada Gobolka Banaadir.

Muqdisho ee caasimada dalka waxaa maanta ka furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ah kii 10-aad kalfadhiga 7-aad ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Ajendaha kulanka ayaa ah dhameystirka xeerka matalaada gobolka banaadir iyo hor imaatinka Golaha Shacabka ee guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya ayaa dood dheer ka dib ansixiyay xeerka matalaada Gobolka Banaadir waxaana xeerkan haa ugu codeeyay 142-Xildhibaan 4-xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusay ma jirin.Image may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, crowd and indoorImage may contain: one or more people, people sitting, crowd and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close