Wararka
Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo gadood ah oo xiray qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho.
Cidankan oo ka tirsan guutada 27aad ee ciidanka xooga somaliya ayaa xiray wadooyinka soo gala talada daljirka daahsoon ee magaalada muqdisho, oo ku dhaw madaxtooyada somaliya.
Waxay ka cabanayeen mushaar la’aan ay sheegeen inay ku qasabtay inay gadoodkooda banaanka usoo saaraan.
mudo ku siman sanad iyo sagaal bilood ayay shegen inay ka maqantahay xuquuqdooda, iyagoo mudo koobana hakad galiyay isku socodka gaadiidka mara wadooyinka ay xiriiriso talada taljirka.
Qaarkood Askarta oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay inay maqleen hadalka madaxwaynaha oo ahaa inay dowladu Si joogto ah u bixisay xuquuqda ciidanka.
Waxay xuseen inay leeyihiin Akoonada ciidanka, balse tan iyo markii loo furay aysan wax lacag ah ugusoo dhicin.