Wararka
Duqa caasimada Muqdisho oo Booqasha ku tagay Xarunta Baadi qabadka Dowladda Hoose ee Xamar.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa maanta kormeeray Xarunta Baadi qabadka Dowladda Hoose ee Xamar.
Duqa Muqdisho ayaa waxaa Xarunta kusoo dhaweyay taliyaha ciidanka ilaalada deegaanka wuxuuna ku wareejiyay laba gaari oo loogu tala galay xarunta si ay ugu fududaato Howlahooda shaqo.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) oo booqday qaybaha kala duwan ee xarunta Baadi qabadka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in ay xaruntaani kamid tahay goobaha sida gaarka ugu muhiimsan gobolka Banadir.