Wararka
Faahfaahino ka soo baxaayo Qaraxyo ka dhacay Degmada Wanlaweyn.
Uga yaraan 4 qof oo mid kamid ah ay tahay dumar ayaa ku dhintay Qaraxiyo Loo adegsaday Miinooyin oo xalay ka dhacay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Qarax koowaad ayaa ka dhacay irada hore ee Guri uu leeyahay sarkaal sare oo katirsan ciidanka Xooga Dalka, kaas oo aan geysan Wax khasaaro ah.
Qarax labaad oo ahaa kan dadka ay ku dhinteen ayaa la Geliyey Geed ku yaalay Derbiga Guriga iyadoo markii ay dadka isku soo baxeen la qarxiyey, Waxaan halkaasi ku dhintay 4 Qof oo shacab ah iyo Xaaska sarkaalka Gurigiisa la Weeraray.
Al-shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada Qaraxyadaasi, waxaana ay sheegeen in ay weerareen Xarun lagu tababaro Ciidanka loo yaqaano Bangaraafta, oo uu tababar siiyo Mareykanka.