Wararka

Qayb kamid ah Qoraxda oo madoobatay Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saaka laga war helay mar Qura qayb kamid ah qoraxda oo madoobaatay, waloow horay looga sii digay.

Qaar kamid ah masjidyada magaalada ayaa looga dhawaaqay salada Qorax  madoobadka iyadoo dadka qaarna ay la amakaag sanyihiin mucjisadaan.

Waa mucjiso Ramaani ah in dayaxa ama Cad-ceedo dhinac ama wada madoobaata iyadoo Rasuulka SWC uu Umadiisa ugu micneeyay in ay kamid yihiin Aayadaha Rabbi.

Aba Mascuudkii reer Ansaareed waxa laga wariyey Ilaahay raali haka ahaadee inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: “Qorraxda iyo Dayaxuba waa labada aayadood oo kamida aayadaha Ilaahay, oo Ilaahay ku cabsi galiyo adoomadiisa, ayaguna lama madoobaadaan dhimashada qof dadka kamida, ee hadii aad aragtaan tukada oo Ilaahay barya illamaa laydinka faydayo” [Bukhaari: 1041 iyo Muslim: 1041.

Dayax Madoobaadka:

Dayax madoobaadka waxa sababa marka laga yimaado qudrada Ilaahay, marka dayaxu marayo hadhka iyo hooska dhulka ayaa waxa madoobaada nuurkii dayaxa. Dayaxa madoobaadku wuxuu u qeybsamaa sadex nooc oo kala ah, dayax madoobaad dhamaystiran, dayax madoobaad qeyba iyo dayax madoobaadka yar.

Dayax Madoobaadka dhamayska tiran:

Ugu horeyn dayax madoobaadka dhamayska tiran wuxuu dhacaa marka dayaxu si dhamaystiran u galo hadhka dhulka, taasoo xijaabaysa in la arki karo dayaxa.

Dayax Madoobaadka Qeyba:

Waa marka qorraxda, dhulka iyo dayuxu aanay si toosa isugu beegnayn, ee dayuxa qeyb kamid ah marayso hadhka dhulka. Taasoo keenta in dayaxa qeyb kamid ah ay madoobaato.

Dayax Madoobaadka Yar:

Waa marka dayuxu marayo hadhka ama hooska dibada ah ee dhulku leeyahay. Dayax madoobaadka noocan ah, waxa adag in isha lagu arko marka loo barbar dhigo labadii nooc ee horeeyey.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close