Wararka

Guddoonka Golaha Shacabka oo loo gudbiyey Mooshin.

Kulankii Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BFS maanta ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ayaa looga dooday Ajendo la xiriira Qoondada Haweenka ku leeyihiin Labada Gole ee Barlamaanka Federalka.

Madasha Kulankii maanta waxaa goobjoog ka ahaa 156-Xildhibaan, iyadoo uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan guddoominayey.

Dhinaca kale, Guddoonka Golaha Shacabka waxaa loo gudbiyey Mooshin ay saxiixeen 132-Xildhibaan, kuwaasi oo codsaday in la xaqiijiyo Qoondada Haweeenka ku leeyihiin Kuraaska Barlamaanka, isla markaana aan la isku darin Qoondada Ragga iyo Haweenka ee Labada Gole ee BFS.

Xidlhibaanad Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabshade oo Mooshinka ka hor akhrisay Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ayaa tilmaamtay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka laga doonayo inuu aqbalo Mooshinkaasi.Image may contain: 6 people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close