Wararka
dagmada Galkacyo oo laga hirgalinaayo dhismaha wadda laami ah.
Dowlada hoose ee dagmada Galkacyo ee Galmudug ayaa maanta bilaabay dhismaha wadadii labaad ee laami ah taas oo qeyb ka ah mashaariicda wadaaga ah ee xoojinta amniga nabad galyada iyo is dhaxgalka Bulshada magaalada Galkacyo.
Mashruuca bilowga dhismaha wadadii labaad ee laami ah ayaa waxaa munaasabadeeda ka qeyb galay masuuliyiinta maamulka dagmada Galkacyo iyo xubno matalayay Bulshada qeybahooda kala duwan.
Uga Horeyn Gudoomiye ku xigeenka dagmada Galkacyo ee Galmudug C/raxmaan Maxamed Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhismaha wadadaan ay qeyb ka tahay mahsaariicda lagu xoojinayo nabad galyada Galkacyo Isla markaana ay si wadajir ah u fulinayaan maamulada dowlada hoose ee Galkacyo ee Galmudug iyo puntland oo gacan ka helaya Hay’adda SSF.
Bulshada Ku Nool Magaalada Gaalkacyo ayaa dhankooda sheegay in ay aad uga faraxsanyihiin dhismaha wadooyinka magaalada Gaalkacyo.