Wararka

Koonfur Galbeed oo amar ka soo saartay diyaradaha isticmaalo garoomadeeda.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa amar ka soo saartay Shirkadaha diyaaradaha ee u safra deegadana kala duwan ee maamulkaasi xili bilihii ugu danbeeyay diyarad lagu soo riday degmada Bardale taas oo siday gar gaar daawo caafimaad halka mid kalena lagu xabadeeyay inta ay hawada ku jirtay.

Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xassan Xussen Mohamed Xassan Eeley ayaa shaaciyay in amar la’aan diyaard aan kasoo degi karin garoomada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulankani oo ahaa mid ay kasoo qeyb galeen masuuliyiinta shirkada diyaaradaha ka howlgala deegaanada KGS ayaa ahaa mid looga hadlayey dar dar gelinta howlaha muhimka u ah bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka KGS ayaa sheegay in amaradaani ay yihiin kuwo la doonayo in lagu xoojiyo amaanka diyaaradaha iyo guud ahaan deegaanada KGS.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close