Wararka
Maamulka gobolka Banadir oo waddo kulamo kor loogu qaadaayo dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar.
Kulan looga hadlayay kor u qadista dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar ayaa Maanta lagu qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.
Kulankaan ayaa waxaa shir Gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Axmed Xasan Iimaan.
Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Axmed Xasan Iimaan ayaa 15-kii bishaan June Kormeer ku tagay dhowr Xarumood oo kamid ah goobaha dakhli aruurinta Dowlada hoose ee Xamar Kormerkaas oo ahaa mid uu ugu kuur galayay qaabka ay u socoto shaqada.