Wararka

Kuuriyada waqooyi oo ku hanjabtay in ay ciidan u direyso xadka ay la wadaagto kuuriyada koonfureed.

Hanjabaadaan ayaa waxa ay qayb ka tahay jabaab loo dirayo kooxo ka soo goystay  Kooriyada Waqooyi oo ku sugan Kuuriyada Koonfureed, kuwaas oo been abuur ka faafiya xukuumada Pyongyang.

Todobbaadkii la soo dhaafay, hugaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong Un walaashiisa, kim Yo Jong ayaa sheegtay in ay amar ku siisay ciidamada in ay  heegan buuxa galaan. Militariga dalkaasina waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin ”  in ay aadaan aaga difaaca islamarkana ay kor u qaadaan feyjignaantooda military”

Labadii sano ee la soo dhaafay, dowlada Kooriyada Waqooy ayaa isku dayday in xadka ay ciidamada isku horfadhiyaan laga dhigo goob nabad ah.

Dajinta xiisadaha ka aloosan xuduuda kala qaybisa labadaasi dal ayey isku afgarteen hugaamiyaasha Kooriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed bishii sebteenbar  2018.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close