Wararka
Madaxweyne Deni oo furay Kalfadhiga 46-aad ee Baarlamaanka Puntland.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 46-aad ee Baarlamaanka Puntland.
Furitaanka Kalfadhiga waxaa sidoo kale Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in uu khudbad ka jeediya furitaanka Kalfadhiga 46-aad ee Baarlamaanka Puntland.