Wararka
Trump oo taageeray joojinta habka ceejinta ay Boliiska u geystaan eedeysanayaasha marka ay xirayaan.
Qaar ka mid ah Boliiska Mareekanka ayaa gabi ahaanba laga joojiyay in ay adeegsadaan nidaamka ceejinta tan iyo markii uu biloowday dibad-baxyada looga soo horjeedo cunsuriyada kuwaasoo ka dhashay dilkii loo geystay ninkii madow Ameerikaanka ahaa ee George Floyd.
Floyd ayaa u dhintay kadib markii sarkaal Boliiska cadaan ah oo uu dhuunta jilibka kaga hayay ku dhabaad 9 daqiiqo.
Madaxweyne Trump ayaa waxa uu yirri “ waxa ay ahaan doontaa wax wanaagsan” in la joojiyo nidaanka ceejada balse wali waxa laga yaabaa in ay u baahan tahay dib-u-eegis lagu sameeyo”
Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump- ayaa cambaareyn kala kulmay habkii uu uga falceliyay kici taanka dibad-baxyada looga soo horjeedo cunsuriyada iyo gaboodfalada ee Boliiska u gaystaan dadka Madowga ah iyo kuwa laga tira badan yahay.