Wararka

Gudaha lebnaan ooToboneeyo ruux  ku dhaawacmeen habeenkii labaad rabshado ka dhashay dhiibaato dhanka lacagta.

Dibad-baxyada u dhexeeya ciidamada nabad sugida ee lebnan iyo dibad-baxayaasha ka soo horjeeda xaaladaha nololeed iyo dhaqaalaha sii xumaanaayo  ayaa habeennimadii jimcaha ka dhacay caasimada Beirut, iyadoo madaxweynaha Michel Aoun uu ka hadlay qorshihiisa uu kor ugu qaadayo lacagta qaranka dalkasi.

Banaan-baxayaasha ayaa sameeyay rabshada sababtay in  ciidamada nabad-sugidana isticmaalaan  suntan dadka ka ilmaysiisa iyagoo xooga saaraya sidii ay dadka dibad-baxa dhigaayay  ugu kala eryaan. Dibad-baxaasi ayaa socday ilaa sacadihii ugu dambeeyay ee habeennimadii jimcaha. Waxaa la arkayey gawarida gaashaaman oo gaafwareegayay wadooyinka caasimada Beirut.

Hay’ada howgalada iyo xaaladaha degdega ee lebnan ayaa shaacisay aroortii hore ee sabtidaan maanta ah in ugu yaraan 33 ruux ay ku  dhaawacmeyn dibad-baxaasi kuwaas oo ay kamid ahaayeen labo askari.

Madaxweyne Aoun ayaa ku micneeyay  hoos u dhaca lacagta toddobaadkaan “ka faa’iideysi siyaasadeed” islamarkaana si ulakac ah loola damacsanaa si loo abuuro qal-qal siyaasadeed oo la doonayay in lagu majaxaabiyo dowlada.

Qiimaha lacagta ee dalkasi lebnan ayaa ku dhawaad hoos u dhacay 70% toddobaadkaan gudihiisa.

Dalka lebnaan ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka dunida ee deemaha lagu leeyahay ay ka badan tahay 170% wax-soosaarka guud ee gudaha dalkaasi.

Lebnaan ayaa waxa ay wada hadal la gashay hay’adda IMF bishii lasoo daafay si ay u hesho gargaar lacageed waloow uu wadahadalka socda.

 

 

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close