Wararka

Philonise Floyd”ma awooda inaan idin sheego nooca xanuun ee aad dareento marka aad daawata muuqalkaasi”

George Floyd walaalkii ayaa maanta hor tagay golaha sharci dajinta Maraykanka isagoo khudbad dhinacyo badan taabanayso ka jeediyay halkaasi.

Philonise Floyd oo ah walaalka George Floyd ayaa intii uu waday khudbadiisa waxaa uu ka hadlay habkii uu u dhintay George isagoo golaha sharci dajinta ka codsaday in wax laga qabta tacadiga loo gaysta madowga haysto aqoonsiga Americanka ah.

“ma awooda inaan idin sheego nooca xanuun ee aad dareento marka aad daawata muuqalkaasi. Marka aad daawata  walaalkaagi kaa weynaa ee kafaalo qaaday noolashaada oo dhintay, waan ka daalay xanuunka aan dareemaayo hadda, waan ka daalay dilka loo gaysanaayo dadka madoowga ah bilaa sabab. Waxaan maanta halkaan u joogaa inaan idin waydiisto inaad joojisaan. Inaad joojisaan xanuunka. Naga joojiyo daalka. Ayuu Yiri Philonise Floyd.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close