Wararka

Maxaa looga doodayaa Kulanka koowaad kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya?

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa goordhaw ka furmay kulanka koowaad kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominaya guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Kulanka waxaa soo xaadiray 156 xildhibaan waxaana Ajendaha kulanka uu yahay qodobada soo socda.

  1. Akhrinta 1-aad hindisaha dib u eegista iyo kabista sharciga Xisbiyada Siyaasadda dalka.
  2. Soo bandhigista ansixinta xubin cusub ee guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Marwo Sacdiya Yuusuf Shuuriye.
  3. Qeybinta Akhrinta 2-aad labada hindise sharciyeed ee kala ah.
  4. Hidise sharciyeedka Qareenada Soomaaliyeed.
  5. Hindise sharciyeedka Nootaayada Dadweynaha.

Dhanka kale 156 Xildhibaan ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Marwo Sacdiya Yuusuf Shuuriye oo maanta laga bilaabo si rasmi ah kaga mid noqoneysa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close