Wararka
DEG DEG: MADAXWEYNAHA BURUNDI OO U GEERIYOODAY WADNA QARAC.
Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa la xaqiijiyay in uu geeriyooday goor dhaweed sida laga soo xigtay masuuliyiinta dowlada dalkaasi.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay masuuliyiinta dowlada Burundi ayaa lagu sheegay in madaxweyne Pierre Nkurunziza Isbitaal la seexiyay maalinimadii sabtida kadib markii ay la soo daristay xaalad caafimaad darro ah.
Iskudaya badan kadib waxaa lagu guulaysan waayay in in xaaladiisa caafimaad wax laga qabta waxaana waararka qaar sheegayaan in uu u geeriyooday wadna qaraac.
Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa dadiisa gaaraysay 55.
Madaxweyne Nkurunziza ayaa lagu waday in uu xilka ka daga bisha August ee nagu soo aadan.
Sidoo kale Nkurunziza ayaa madaxtinimada dalkaasi haayay muddo dhan 15 sano, sanadkii 2015-kii ayay aheed markii uu buuq badani ka dhashay ku dhawaaqistii aheed in uu mar seddexaad hoggaamindoona talada dalkaasi Burundi taas oo qal qal iyo kala danbeyn la’aan sababtay .
Hasayeeshee waxaa wax ka badal lagu sameeyay Dastuurkii dalkaasi taas oo u sahashay in uu sii hoggaamiyo dalka Burundi bishii la soo dhafay balse waxaa uu goaansaday in uu iska joojiyo shaqada.
Wixii fahfaahin ah halkaan kala soco.
Wixii fahfaahin ah halkaan kala soco.