Wararka
Shirkadaha Isgaarsiinta oo Walaac Weyn Ka Muujiyay Xaalka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Kulan balaaran ee uu qabaqaabiyay Ururka Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed (USIS) kana dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladaha adeegyada Isgaarsiinta dalka iyo dhibaatooyinka jira iyo guud ahaan xoojinta horumarka Isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada ee qeyb weyn ka ah horumarka dalka.
Gabagabadii Kulanka ururku waxay soo saareen bayaan ka kooban qodobadan hoos ku xusan:
1.Dhamaan Shirkadaha ku mideysan USIS waxay walaac ka muujinayaan, kana digeen isbarbaryaaca iyo khilaafka hareeyay Hay`adda Isgaarsiinta Qaran iyo Guddigii Isgaarsiinta ee khilaafka weyn uu ka taagnaa dhismihiisa.
2.Waxaa marag-madoonte noqotay in dhibaatadii ay Shirkaduhu ka digayeen ay maantay timid ka dib markii Guddigii sharcidarada ahaa ee uu magacaabay Wasiirka Wasaaradda si toos ugu hor yimid maamulkii Hay`adda Isgaarsiinta iyagoo ku andacoonay in ay iyagu yihiin cidda mas`uulka ka ah bixinta Ruqsadaha Isgaarsiinta. Iyadoo aan ogsoonahay in Xubnaha Guddigan oo intooda badan (75%) ay yihiin xubno ka tirsan Shirkado bah-wadaag ah. Taas oo ka hor imaaneysa Sharciga Isgaarsiinta iyo Habraacii lagu heshiiyay.
3.Ururka Isgaarsiinta Soomaaliyeed wuxuu mar kale cadeynayaa in magacaabistii Guddigan Isgaarsiinta Qaran ay markii horaba si toos ah uga hor imaneysay Sharciga Isgaarsiinta sida ku cad Qod. 10aad iyo Qod. 34aad “Iska-hor imaadka Danaha Is-diidan” (Conflict of Interest) ee cadeynaya in ruux xil ka haya ama si toos ah uga tirsan Shirkad Isgaarsiin ah uusan ka mid noqon karin Guddiga iyo Maamulka Hay`adda.
4.Waxaa ayaandaro ah in Wasiirka Wasaaradda uu dhinac ka noqday mushkilada isagoo la saftay Guddigii sharci darada ah, islamarkaana uusan tixgalin madax banaanida Hay`adda sida ku Qod.7aad ee Sharciga Isgaarsiinta.
5.Hay`adda Isgaarsiintu waa Hay`ad Qaran oo ay door ku leeyihiin dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan dhinacyada ay khusayso marka ay timaado magacaabista xubnaha Guddiga Hay`addu yeelanayso.
6.Ururku wuxuu baaq u dirayaa XFS in laga hortago murankan hareeray Hay`adda dhexdeeda iyo in si deg deg ah dib loogu saxo khaladaadka jira, lana dhiso Guddi cusub oo waafaqsan sharciga si loo xaqiijiyo xalaal-noqoshada Hay`adda.War-Saxaafadeed-SH-PR1-05062020-SOM (1).