Wararka
Madaxweyne Farmaajo“Soomaaliya waxaa ay ku farasxantahay in ay qayb ka tahay isbahaysigaan tallaalka”

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliy Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyey Shirka Tallaalka Aduunka ee 2020 oo qaab fogaan arag ah ay u martigalisay Dowladda Ingiriiska, waxaana shirka guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson.
Iskaashiga talaalka aduunka ee loo soo gaabiyo GAVI ayaa waxaa uu ka dhaxeeyaa isbahaysi dowlada ah, hay’adda caalami ah, shirkada dowladeed iyo kuwa gaar loo leeyahay si ay u soo saaraan tallaalo looga hortago cudurka iyo dhimashada.
Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay Soomaaliya aad ugu faraxsantahay in ay qayb ka tahay isbahaysigaan tallaalka si loo helo bulsha siman oo bad qabta.
“Soomaaliya waxaa ay ku farasxantahay in ay qayb ka tahay isbahaysigaan tallaalka si loo helo bulsha siman oo bad qabta iyo hormar waaro oo ay helaan kuweena ugu nugul ee aduunka meeraheena jooga” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.