Wararka
Madaxweyne Ku xigeenka Jubbaland oo kor meer ku sameeyay hay’adda dhulka ee Jubaland.

Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee dawlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan ayaa maanta kor meer shaqo ku booqday hay’adda dhulka ee dawlad goboleedka Jubaland.
Ujeedka booqashadan ayaa ahayd in madaxwayne ku xigeenka uu kor meero hawlaha shaqo ee uu guddigan u hayo shacabka Jubbaland waxaana halkaa ku soo dhaweeyay masuuliyiinta u sarraysa hay’addan.
Madaxwayne ku xigeenka ayaa booqashadiisan warbixin kaga dhagaystay gudoomiyaha hay’adda dhulka Jubaland oo uga warbaxiyay sida ay ku socoto shaqada hay’adda iyo adeegyada ay u fidiso shacabka Jubbaland.
Gabagabadii booqashadiisan wuxuu madaxwayne ku xigeenka masuuliyiinta hay’adda dhulka Jubbaland ku amaanay shaqada ay u hayaan bulshada Jubaland oo ay u horeyso naqshadeynta magaalada Kismaayo iyo diyaarinta qorshe deegaanaynta guud ee magaalada (Kismaayo master plan).