Wararka

Khilaafkii madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa oo lagu guulastay in heshiis laga gaaro.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubno ka mid ah hoggaanka dhaqanka Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

Dhawaan ayay aheed markii ay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa soo kala dhex gashay khilaaf ku bilawday kala aragti duwanaan balse  Iisimada iyo waxgaradka Puntland ayaa ugu danbeyn ku guulaystay in ay labada dhinac miiska wadahadalka iskuugu keenaan heshiisna dhex dhigaan.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close