Wararka

Saciid Deni “Suura gal ma ahan Hey’ado sharci dejin ah oo ku yimid nidaam 4.5 inay ka taliyaan Masiir kama dambeys ah”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada guud ee Soomaaliya iyo tan gaar ee  Puntland ayaa sheegay in suura gal aysan aheen in hay’addaha sharci dajinta inay ka taliyaan Masiir kama dambeys ah waxaa uuna ka digay dagaal sokeeyo oo ka dhasha doorashada dalka lagu wada in ay ka qabsoonta.

“Suura gal ma ahan Hey’ado sharci dejin ah oo ku yimid nidaam 4.5 inay ka taliyaan Masiir kama dambeys ah, maxaa yeelay iyaga waxay ku yimaadeen heshiis iyo is afgarad siyaasadeed, waxay noqdeen dad la soo xulay ee dad la soo doortay maaha, Waxaa ka digeynaa nidaama doorasho oo sababa dagaal sokeeye, dib u dhac iyo kala irdhow in dalka aan loo horseedin, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa kula talinayaa in uusan taariikhda ku gelin waxaan hadhow dhibaato keenaya” ayuu yiri  Madaxweyne Diini.

Madaxweynaha ayaa Shacabka reer Puntland la wadaagay xaaladda amniga guud ee Puntland, dadaalada amni ee la sameeyay wixii ka danbeeyay qaraxii gaalkacayo, qorsheyaasha dhinaca horumarka ah ee socda , hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo xaaladda covid-19 ee Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ka digey in si khaldan looga faa’iideysto Khilaafka kala dhexeya Isaga Iyo Madaxweyne ku Xigeenka Maamulkaasi Puntland.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close