Wararka
Wasiiru dowlaha waxbarashada Galmudug oo kormeer ku tagay xafiisyada wasaaradda ee Galkacyo.

Wasiir dowlaha Wasaarada Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mursal Abdi Aadan ayaa manta Kormeer ku tagay xafiiska wasaaradda waxbarashada Galmudug ku leedahay magaalada Galkacyo Gobolka Mudug.
Wasiir dowlaha ayaa markii uu gaaray xafiiska wasaaradda waxbarashada ee Galkacyo waxaa uu kulan la qaatay madaxa xafiska gobolka mudug iyo madaxda degmooyinka hoos taga gobolka mudug, waxaa uuna ka dhageystay warbixino guud iyo baahiyada ka jira gobolka mudug.
Mursal Abdi AadaWasiir ayaa ku booriyay kuna amaanay shaqaalaha wasaaradda waxbarashada Galmudug faraceeda Galkacyo sida wanaagsan har iyo habeeen ugu taagan yihiin hormarinta waxbarashada gobolka.