Wararka

Madaxweyne QoorQoor oo daahfuray Dhismaha Golaha Deegaanka Ee Degmada Cadaado.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo ka hadlayey munaasbad lagu Daahfuray Dhismaha Golaha Deegaanka Ee Degmada Cadaado ayaa sheegay in dhamaan degmooyinka mamaulkaasi uu ka kooban yahay dhowaan laga daahfuri doono dhismaha golaha degaanka.

Madaxweynaha ayaa tilmamaay in degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ay nasiib uyeelatay in lagu daah furo sameynta golaha deegaanka degmooyinka mamaulkaasi uu ka kooban yahay waxana uu kula dardaarmay in nasiibkooda ay ilaashadaan.

Madaxweyne QoorQoor  ayaa ugu dembeyn haween ka soo jeeda Galmudug  u sheegay in ay utartamaan dhismaha golaha deegaanka degmooyinka uu ka kooban yahay Galmudug si ay doorkoda uga qaatan siyaasada Galmudug.

Golaha deegaanka degmada Cadaado ayaa dhowaan  waxaa  magaacabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug   Cabdi Waayeel  taas oo qeyb ka ah dadaalada lagu dhisayo goloyaal deegaan oo ay yeelato degmo kasta.Image may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, standing and suitImage may contain: one or more people, people standing, suit and weddingImage may contain: one or more people, people standing, suit and weddingImage may contain: one or more people, people standing, suit and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close