Wararka
Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo shir gudomiyay Shirka Amniga Galmudug.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa maanta kulan asbuuc laha ah ee looga hadlo xaaladaha amniga la yeeshay laamaha amniga Galmudug oo ay ugu horeeyaan saraakiisha Booliska,Nabadsugida iyo Milatariga Galmudug.
Ugu Horeyn Saraakiisha Booliska, Nabadsugida iyo Milatariga Galmudug ayaa warbixin ku saabsan halka ay marayso xaalada guud ee amaanka caasimada Dhuusa-mareeb iyo deegaanada kale ee Galmudug ka siiyay Madaxweyne Ku xigenka.
Dhagaysiga warbixinta dheer ee qusaysay xaaladaha guud ee amaanka Galmudug ka dib ayuu Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid amar ku bixiyay in la adkeeyo amniga guud ee Galmudug gaar ahaan Amniga Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.