Wararka

Madaxweyne Diini oo ka tacsiyayeeyay Geerida Allah u naxariistee Cabdi Cabdulle Siciid.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  umada Soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntland kaga tacsiyayeeyay Geerida Allah u naxariistee Cabdi Cabdulle Siciid (Jini Boqor), oo saaka ku geeriyooday magaalada Qardho.

Alle ha u naxariistee Cabdi Cabdulle Jini Boqor wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland, wuxuu waxbadan kasoo shaqeeyay horumarka iyo dowladdnimada isagoo xilal kasoo qabtay dowlad goboleedka Puntland iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya.

“Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland,eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay marxuum Cabdi Cabdulle Siciid (Jini Boqor), waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close