Wararka

Booliska Minneapolis oo si fool xun dil u gaystay nin madow ah.

Muqaal laga duubay Booliska dalka maraykanka ayaa muujiyay in ay ruux madow ah ku dileen si bani’aadanimada ka baxsan waxaana muqaalka ka muuqday in ruuxa madowga ahi qoorta looga haayay Jilbaha.

Dibad baxyo badan oo ay dhigeen dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Minneapolis kadib ayaa waxaa ay saraakiisha ciidanka dalkaasi ay xilkii ka xayuubiyeen ilaa afar sargaal oo lagu edeeyay in ay ku luglahayeen dilkaasi.

Duqa Magaalada Minneapolis Jacob Frey oo dhankiisa ka hadlay dhacdadaani layaabka leh ayaa sheegay in uu dareenka iyo dhibta la wadaagaayo ehelada iyo saaxiibadii George Floyd oo 46 sano jir ahaa waxaa uuna falkaani ku tilmaamay in uu ahaa mid aan mamnuuc ah sidoo kalena aan tababar lagu siinin ciidanka Maraykanka.

“Farsamada ay isticmaaleen ma aheen mid la ogolyahay, ma ahan farsama ay saraakiisheena ku soo tababarteen, mana jirto sabab loogu isticmaali karo jilib ruux in cadaadis lagu saaro luquntiisa” ayuu yiri Jacob Frey.

George Floyd oo ah dhibanaha madowga ah ee ay tacadiga u gaysteen ciidamada Booliska Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqaayay “ fadlan ma nefsan garo” gortii ay luqunta kaga hayeen jilibka waxaa uuna ku hoos jiray gaari iyadoo qaybta sare ee madaxana uu banaanka u yaalay. Hasayeeshee waxaa ay saraakiisha Booliska dalkaasi Maraykanka sheegeen in uu  Floyd ku dhintay Isbitaal ku yaalla Magaalada Minneapolis wax yar u’n kadib markii la keenay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close