Wararka

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo garay Magaalada Cadaado.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka General  Odawaa Yuusuf Raage oo kujira safar uu Ku marayo Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Deegaanada Galmudug ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado , isagoo kormeer ugu tagey Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay Xerada General “Kaanti” ee Duleedka Cadaado.

Kormeerkan waxaa ku wehliyay Taliyaha Xoogga saraakiil ka tirsan qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee xoogga dalka sida Genaral Saalax yacquub oo ah Abaanduulaha qaybta 27-aad iyo Gaashaane Aadan Siyaad Cabdi Abaanduulaha Qaybta 21-aad , cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga ayuu taliyuhu salaan sharaf ka qaatay waxaana intaa kadib soo dhoweyn u sameeyay Maamulka Degmada Cadaado oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha C/laahi C/raxmaan Tootoole .

Cadaado ayaa haatan qayb ka ah Xarumaha ugu waaweyn ee Qaybta 21-aad iyadoo fadhiisin u ah Guutada 13-aad Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.Image may contain: one or more people, people standing, outdoor and natureImage may contain: 4 people, people standing and outdoorImage may contain: 10 people, people standing and outdoorImage may contain: 8 people, people standing and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close