Wararka
Guddiga-wadajirka ee dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo kulan la yeshay masulyinta kasoo jeda gobolka Waqooyi.

Guddiga-wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Baarlamaanka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay kulan wadatashi ah la yeesheen Siyaasisiyiinta ka soo jeeda Gobollada Waqooyi.
Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirada, Xildhibaanadda, Xubnaha Aqalka Sare iyo Siyaasiyiinta kasoo jeedda Goboladda Waqoooyi oo uu kamid yahay Ra’iisulwasaare kuxigeenka Xukuumadda XFS, Mahdi Maxamed Guuleed.
Intii uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray qabyo-tirka mid kamid ah Nuqullada Afarta xeer ee guddiga loo igmaday.
Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddi-wadajirka ah Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow.