Wararka
Maamulka koonfur Galbeed oo ka warbixiyay Qarax maalinkii labaad ee ciida ka dhacay Baydhabo.

Mas’uliyiinta ka Tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya oo uu hoggaamiyaanaayay wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulkaasi Ugaas Xassan Cabdi Mohamed iyo taliyaha saldhiga degmada Baydhabo Muqtar Ibrahim ayaa maanta kor meer ku tagay halkii uu maalin ka hor ka dhacay qarax galaaftay dad badan.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Dowlad goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xassan Cabdi Mohamed oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay nooca qaraxa uu ahaa iyo xogta ay laamaha amniga ka hayaan waxaa uuna sheegay in laba xog oo ay laamaha amniga heleen ay mujinayaan in Qaraxaasi uu ahaa Bam(bomb) meel dheer laga hagaayay iyo xog kale oo sheegayso in uu ahaa Qarax miino oo meesha lagu aasay.
Wasiirka ayaa ugu danbeyn shacabka ku dhaqan deeganada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ugu baaqay in meel kasto oo ay joogaan ay iska caabiyaan Al-shabaab sidoo kalena ay xogtooda la soo wadaagaan laamaha amniga KGS.