Wararka

Duqa caasimada Muqdisho oo kala dhex galay kooxa dagaal uu ku dhex maray Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku baxay xalinta shaqaaqo dagaal oo xaafada Cara-Guduud ee degmada Deyniile ku dhaxmartay maamulka degmada Deyniile iyo ciidama hubeysan oo ay maamulka degmada ku sheegeen in ay dhulboob sameynayaan.

Duqa magaalada Muqdisho oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa kormeeray goobta uu saakay ka dhacay dagaalka isagoo sheegay in si deg deg ah loola xisaabtami doono cidkaste oo ku xad gudubta sharciga.

Duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa marar badan waxaa ka dhaca dagaalo u dhaxeeyo kooxa hubaysan oo isku haysto waxaana warar kala duwan ay sheegayaan in dagaalkii maanta ay ku dhinteen dad gaarayo ilaa shan ruux.Image may contain: 1 person, cloud, sky, crowd and outdoorImage may contain: 1 person, sky, cloud, crowd and outdoorImage may contain: 3 people, people standing, sky and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close