Wararka
Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Booqday dhaawacyada ku jiro ISbitaalka Baydhabo.

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Golaha wakiilada kgs Dr. Ali Siciid Fiqi ayaa Maanta Cisbitaalka ku booqdey dadkii kusoo dhaawacmey qaraxii shaley ka dhacay Baydhabo kaasi oo ay wax yeelo ka soo gaartey dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan,
Wuxuna Guddomiyaha mid mid u booqdey dhaawacyada ay ku jiraan Isbitaalka weyn ee Magaalada Baydhabo, isagoona ugu duceeyay in Allah si deg deg ah Cafimaad kusiiyo kuwii ku dhinteyna Jannadii Fardowso ka waraabiyo ,
Agaasimaha Guud ee wasaradda Caafimaadka KGS ayaa Kusimaha Madaxweynaha warbixin ka siiyay Xalada guud ee bukaanada ku jira Cisbitaalka wuxuna sheegey in xaley ay seexadeen cisbitaalka dad ku dhow 18 qof kuwaasi oo kusoo dhaawacmey qaraxii shaley ka dhacay Baydhabo ,wuxuna sheegey in hada Cisbitaalka ay ku jiraan 4 qof dhaawacyadii ka mid ah intii kalena guriyohoodi ayey aadeen.