Wararka
Booliska Gobolka Bari oo howlgallo ka sameeyay deeganada hoos yimaado Gobolkaasi.

Ciidamada Booliska Puntland qaybta Gobalka Bari ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka fuliyay Degaano iyo Dagmooyin Ka Tirsan Gobalka Bari waxaana lagu soo qab qabtay koox ka Tirsaneed Daacish.
Howlgalkaani ayaa waxaa hoggaaminaayay Taliyaha Qeybta Boliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud waxaa uuna sheegay in uu hirgalay u jeedka iyo qorshihii howlgallka isagoo intaasi ku daray in raga hada ay gacanta ku soo dhigeen ay faraha ku hayaan laamaha amniga iyaga iyo hubkii ay siteen.
Deegaanada ay Ciidanka Holwgalada kasameeyeen ayaa Waxaa Ka Mid Ah’ Iskushuban, Toga Jaceyl, Togga canjeel Iyo Dooxa Gabin Halkaas Oo Ay Ciidmada Ka Soo Qabteen Dagaal Yahano Ka Tirsan Daacish.