Wararka

Soomaaliya oo Mar labaad oo daabulayso Muwaadiniinta ku xayiran dalka Kenya.

Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay In ay markale soo daabuli doonta muwaadiniinta Soomaaliyeed eek u xayiran gudaha dalka Kenya.

Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday in qabanqaabinaysaa safar labaad oo lagu qaadayo dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran magaallada Nairobi ee dalka Kenya iyadoo dadka ku xirtay Shuruuda ay kamid yihiin in aysan qabin xanuunka coronaviruska iyo in ay haystaan ticket.

“Safaaraddu waxa ay qabanqaabinaysaa safar labaad oo lagu qaadayo dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran magaallada Nairobi ee dalka Kenya. Shuruudaha waxaa ka mid ah in aadna qabin cudurka COVID-19 iyo inaad haysatid ticket. Waqtiga kama dambaysta ah iyo faahfaahin kale ba waxaa ku siin doona xafiiska Daalo Airlines” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay xafiiska safaarada Soomaaliya ee Nairobi.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close