Wararka

Munasabada ay xilka kula kala wareegeen xubna ka tirsan golaha wasiirada Galmudug oo ka dhacday Dhuusa-mareeb.

Munaasabada kooban oo lagu qabtay caasimada dowlad goboleedka Galmudud ee Dhuusa-mareeb ayaa waxaa si rasmi ah xilka ku wareegay wasiirada wasaaradaha Maaliyada iyo Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa xilalka ukala wareejiyay wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyada Galmudug Siciid Siyaad Shirwac iyo wasiir dowlaha Cusub ee wasaaradda Maaliyada Galmudug Abdiraxiin Xasan C/laahi, oo ka wakiil ah wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Farxaan Cali Maxamuud.

Sidoo kale Madaxweyne Ku ku-xigeenka ayaa xaflad ka dhacday Xarunta Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha ee Magaalada Dhuusamareeb xilkii ku kala wareejiyay wasiirkii hore ee wasaaradda Biyaha iyo Tamarta, Axmed Shire Falagle, iyo wasiirka Cusub ee wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Maxamuud Cabdi Axmed (Kaarshe).

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn waxaa uu dar daaran u jeediyay masuuliyiinta cusub ee xilka sida rasmiga ula wareegtay isagoo dhanka kale kaga mahadceliyay kuwii horey u soo haayay xilalkaani oo uu sheegay in ay meel wanaagsan keeneen.Image may contain: 4 people, people standing and suitImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 3 people, people standing and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close