Wararka
Maamulka Gobolka Banaadir oo Hay’adda CIS kala wareegey Agab looga hortago Covid-19.

Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna duqa caasimada Muqdisho ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Heyadda CIS waxaana ku wehlinaayay kulankaasi guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee maamulka gobolka banadir Cumar cali Cabdi.
Guddoomiyaha ayaa hay’adda CIS kala wareegey Agab looga hortago xanuunka safmarka ah ee Coronaviruska waxaa uuna kala hadlay sidii ay hay’adda CIS u sii joogteyn laheed garab siinta maamulka Gobolka Banadir si ay ugu adkaadaan la tacaalista xanuunka COVID-19.
Madaxa hay’adda CIS oo ka warbixiyay agabka ay maamulka ku wareejiyeen ayaa sheegay in agab kaasi uu isugu jiray dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo, waji xir ama maaskaro, iyo waxyabo kale waxaa uuna balan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada.