Wararka
Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ayaa sidii caadiga aheedba shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay warbixinta maalin laha ah ee cudurka coronaviruska waxaa ayna sheegtay in maanta dalka laga xaqiijiyay 34.
Goobaha laga kala helay xanuunkaani ayaa waxaa ay kala yihiin Somaliland oo 18 xaaladood ah, gobolka Benadir 14 xaaladood ah iyo maamul goboleedka Hirshabelle 2 xaaladod ah. 21 kamid ah dadka laga helay xanuunka ayaa ah lab halka 13 ka kale ay yihin dhidig.
Wasiirka ayaa sheegtay in 11 ruux ay ka bogsoodeen xanuunkaani taas oo tirade guud ee dadka ka caafimaaday ka dhigayso 163 ruux, sido kale waxaa ay dhimashadu maanta aheed 1 ruux waxaa ayna dhimashada guud ka dhigaysaa 57 ruux. Tirada dadka uu ilaa haatan haleelay xanuunkaani safmarka ah ayaa gaarayso 1,455 gobolada dalka oo dhan.