Wararka

Madaxweyne Farmaajo“Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dadkeenna Soomaaliyeed”

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Dhallinyarada Soomaaliyeed u diray Farriin ku saabsan Sannad-guurada 77-aad ee Aas-aaskii Golihii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) ee horseeday xornimada dalka waxaa uuna madaxweynaha xusay guusha ay dalka u soo hooyeen 13-kaas dhallinyarada.

“Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dadkeenna Soomaaliyeed, jiil walba oo inaga mid ah waxaa waajib ku ah in uu dhaxalsiiyo jiilka xiga xusuustooda, halgankooda, taariikhdooda iyo diiwaanka maamuuskooda.”
Madaxweynaha yaa Tilmaamay caqabadihii waaweynaa ee hortaagnaa riyada Dhallinyarada SYL kuwaas oo ay ka mid ahayd qorshihii Gumeystaha ee ku dhisnaa hab qabiileysan oo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah kala qaybiyay.

“SYL kuma muteysan maamuuskaas kaliya in ay dadka Soomaaliyeed ka dulqaadeen heeryada gumeystaha, una horseedeen gobanimo buuxda, balse waxa ay ku muteysteen in caqabadaha waaweyn iyo jilaafooyinka ay ka soo gudbiyaan halganka dheeraa ee gobanimo-doonka”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay guulaha ay dowlada uu hoggaamiyo ka gaartay hannaankii dhaqaale ee aadka u hooseeyey, daymo tiro badanoo culeys ku hayey horumarka dalka, xaaladihii adkaa ee ay ku noolaayeen kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo qaar kood ku dhibaataysnaa xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti waxaa uuna sheegay in ay muuqata ifafaala wanaagsan oo xagga dowladnimada ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada ay ugu jiraan la dagaalanka xanuunka safmarka ah ee Coronaviruska.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close