Wararka
Taliska Ciidanka Booliska Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay Shaqaaqo ka dhacday Muqdisho.

Taliska Ciidanka Booliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay shaqaaqadii Xalay ka dhacday degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir waxaa ayna xaqiijiyeen in isku dhacaasi u dhaxeeyay laba ciidan oo ka wada tirsan Ciidamada Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya.
Afhayenka Ciidanka Booliska Booliska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Adan Cali (Duudishe) oo ka hadlay Isku dhacaas ayaa sheegay in shaqaaqadaasi ay ka dhalatay Qasaaro isugu jiro naf iyo maal ayna sabab u aheed laba ciidan oo midna lagu ogaa Bar Koontorool midna kasoo baxay xeri ciidan hasa ahaate waxaa uu hoosta ka xariiqay in Talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doona askartii ku lug laheed Isku dhacaasi.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in aan markale loo dulqaadan doonin Isku dhacyada soo lab laabtay ee ciiidamada Qalabka sida dhexdooda ka dhaca sharcigana lala tiigsan doona dadka ku lugta leh Shaqaaqoonka ciiinkaani oo kale.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa ka tacsiyayeeyay dadkii naftooda ku waayay isku dhacaasi ciidan waxaa uuna raali galin buuxda ka seeyay dadka dagnaa aaga Zoona K ee degamada Hodan oo aheed goobtii ay shaqaaqa ka dhacday xalay abaara 11:30PM.