Wararka
Dowlada Soomaliya oo la wareegtay diyarado lagu buufin doono Ayaxa.

Hay’adda Qaramada Midoobe ayaa maanta dalka soo gaarsiiyay diyaarada ka qayb qaato dadaalada lagula dagaalamaayo Ayax saamayn weyn ku haayo qaybo kamid ah gobolada dalka.
Masuuliyiin ka socotay wasaaradda Beeraha iyo waraabka iyo wasaaradda duulista hawada Soomaaliya ayaa ka qayb galay munasabada ay dowlada kula wareegaysay diyaaradahaan waxaa ayna ka mahadnaqeen gurmadkaan ay qaramada Midoobe soo dhiibtay oo kusoo aaday xiligii loo baahnaa.
Isla maanta ayay diyaaradahaani bilaabeen howgalka dalka loo keenay waxaa ayna Buufis ka bilaabeen deeganada uu sida ba’an ugu habsaday Ayaxa.
Dowlada soomaliya oo maanta la wareegtay diyarado lagu buufin doono ayaxa dhibatada ku haya soomaliya @Adam Ali Ahmed
Posted by TUSMO TV on Thursday, 14 May 2020