Wararka
Maamulka degmada Doolow oo guddi u saaray la tacaalidda dhibaatada ka dhalatay fatahaadda.

Iyadoo ay qasaara ba’an ay ka dhasheen fatahaadaha wabiyada Daalo iyo Jubba oo saameeyay dadka degen degmada Doolow Soomaaliya iyo deeganada Hoostaga ayaa Guddoomiyaha Degmada Doolow Soomaaliya Cali Farax Mire waxaa uu magacaabay Guddiga ka hortaga fatahadaha degmada Doolow.
Guddiga ayaa Islamaanta waxaa ay soo bandhigeen baahiyaha ugu daran ee ka jiro qaar kamid ah xaafadaha uu ku soo rogmay fatahaada wabiga Daalo waxaa ayna sheegeen in dadkaasi ay u baahan yihiin Daawo, mara Kaneeco iyo raashin madama beerihii uu dalaga u saarnaa uu waxyeeleeyay dadka wabiga.
Afhayeenka Guddiga ka hortaga fatahaadaha degmada Doolow Cabdi Qani Xassan ayaa sidoo kale sheegay in Degmada uu ka dilaacay xanuunka Shuban Biyoodka oo ka dhashay fatahaada wabiga waxaa uuna codsaday in dadkaasi loogu soo gurmada sida ugu dhaqsiyaha Badan.