Wararka
Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowlada federaalka Soomaaliya Dr. Fowsiyo Abikar Nuur ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay Warbixintii ugu danbeysay ee waxyaabihii kusoo kor dhay xanuunka faafa ee Coronaviruska.
Wasiirka ayaa sheegtay in 2-kii saac ee ugu danbaysay dalka laga diwaan galiyay 49 xaaladood oo cusub kuwaa oo laga xaqiijiyay gobolada dalka sida Koonfur Galbeed oo 9 xaaladood ah, maamulka gobolka Banadir 26 xaaladood ah, Puntland oo 8 xaaladood ah iyo maamulka Somaliland oo 6 xaaladood isna laga xaqiijiyay.
Dadka cusub ee maanta laga helay COVID-19 ayaa waxaa lab ah 38 ruux halka 11-ka kale ay yihiin Dhidig. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegtay in tirada dadka bogsooday ay gaarayaan 4 wax dhimashana lama soo tabin maanta.
Xaaladahaan cusub ee soo korortay ayaa tirade guud ee dadka uu haleelay xanuunka coronaviruska ka dhigayso 1,219 oo xaaladood halka Tirada dadka ka bogsooday xanuunkaana ay garayaan 130 ruux dhimashadana waa 52 ruux.