Wararka
Xisbiga Wadani oo Xaraam ku tilmaamay la waregista Gawaari siday Qaad oo ay gacanta ku dhigeen cidanka Boliska mamulkaasi.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Wadani Khadar Xuseen Cabdi oo warbaahinta shirr jiraa’id ugu qabtay Magaalada Hargaysa ayaa sheegay in ay sharci darro tahay tallaabada ay xukumaddu Somaliland kula wareegtay gaadiid siday Qaad oo dhawaan ay ciidanka Booliska Somaliland astaantooda ku buufisadeen.
Khadar Xuseen Cabdi Xoghayaha guud ee Xisbiga Wadani ayaa tilmaamay in 29 sano kadib shacabka Somaliland ay maanta haysato cadaalad Daro tii uga xumeyd.
Sidoo kale Xoghayaha ayaa xusay in Deegaanada Soomaaliland maalin kasta Dadka si sharci daro ah loogu xiro, looguna dhibaateeyo, la wareegida gaadiidka ay la wareegeen Booliskana ay qeyb katahay Cadaalad Darada Jirta.