Wararka
Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka XFS Dr. Fawziya Abikar Nur, ayaa bulshada Soomaaliyeed la wadaagtay xaaladaha ku soo kordhay Dalka ee caabuqa COVID-19.
Wasiirka ayaa ku dhawaaqay tirada xaaladaha cusub ee maanta in ay tahay 35 xaaladood oo laga soo xaqiijiyay 3 maamul goboleed oo kala duwan.
Gobolka Banadir ayaa laga xaqiijiyay 24 xaaladood, Maamulka Puntland 8 xaaladood iyo Maamulka Somaliland 3 xaaladood. Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneysa 1089 xaaladood, waxaa geeriyooday 1 bukaan sidoo kale waxaa bogsooday 3 bukaan.
Wasiirka ayaa xaqiijisay in aan laga daaleyn ku celcelinta fariimaha wacyigelineed iyo In awooda la iskuugu geeyo sidii loo xakameyn lahaa caabuqa ku sii baahaya bulshada dhaxdeeda.