Wararka
Wasidee dareenka Barakacyaasha Ku dhaqan Caasimada Muqdisho?

Iyadoo xalay uu roob xoogan ka da’ay Caasimada Muqdisho ayaa waxaa isasoo taraayo Qasaaraha kala duwan ee uu gaystay.
Qaar kamid ah barakacayaasha xerada siigaale ee muqdisho oo dadadkii roobka iyo biyihii ka soo fataha Warta Sigaale ku baxsadeen xaafadahooda ayaa dareenkooda la wadaagay Muuqaal baahiyaha Tusmotv waxaa ayna sheegeen in aysan haysan hooy ay ka galaan roobabka mahiiganka ah ee dalka Ka curtay.
Barakacyaasha ayaa sidoo kale sheegay in ay ku soomanyihiin afurkii xalay haddana aysan haysan wax ay ku afuraan waxaa ayna shacabka Soomaaliyeed ka codsadeen in gurmad deg deg ah loo fidiyo.
xaalada dadka barakacayaasha xerada siigaale ee muqdisho oo dadadkii roobka iyo biyihii warka ay biyuhu guryahoodii buuxiyeen.@Yahye Isse Sheikh
Posted by TUSMO TV on Monday, 11 May 2020