Wararka

Maxaad ka taqanaa AUN Ambassador Cabdulqani Maxamed Waceys?

Madaxda Wasaaradda arrimaha dibadda dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay geerida ku timid AUN Ambassador Cabdulqani Maxamed Waceys Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar iyo jaamacadda Carabta oo ku geeriyooday dalka Kuwait oo labadii todobaad ee ugu dambeeyay uu ku xanuunsanayay.

Marxuum Cabdulqani Maxamed Waceys oo ku dhashay 15 May, sanadkii 1945 Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxbarashadiisii dugsiga sare kaga qalinjebiyay Magaalada Qaahira sanadkii 1965, waxa uu shahaadada koowaad ee heerka Jaamacadda oo ahayd Taariikhda uu ka qaatay Jaamacadda Alexandria ee dalka Masar sanadkii 1969, waxa uu shahaado sare oo difaaca iyo amniga qaranka ka qaatay Akadeemiyadda sare ee Istiraatiijiyadda Qaranka ee Soomaaliya sanadkii 1988.

Marxuumka oo koorsooyin tababar oo diblomaasiyadda, maamulka waxbarashada, akhris qorid la’aanta, waxbarashada dadka waa weyn, cilmi baarista iyo dib u habaynta iyo horumarinta manhajka waxbarasho ee Soomaaliya ku kala qaatay wadamada Soomaaliya, Masar, Urdun iyo Indonesia sanadihii 1974, 1979,1980, 1983, 1985, 1986, 1988 iyo 2008.

Ambassador Abdi qani Mohammed Waceys oo macalin Juquraafi iyo taariikh ka noqday dugsiyo sare oo dalka ku yaalla intii u dhexeysay sanadihii 1970-1973 ayaa sidoo kale waxaa uu maamulay dugsiga sare ee hoyga lahaa ee Magaalada Beydhabo intii u dhexeysay sanadihii 1973-1976.

Marxuumka ayaa noqday Kormeeraha guud ee Wasaaradda Waxbarashada intii u dhexeysay sanadihii 1976-1977, isagoo sidoo kale noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug intii u dhexeysay sanidihii 1977-1978, waxa uu si la mid ah noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Hargeysa ee xarunta Gobolka Waqooyi galbeed intii u dhexeysay sanadihii 1978-1980, sidaasi si la mid ah waxa uu noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan intii u dhexeysay sanadihii 1980-1986.

Sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxii Qeybta Af Carabiga ee Xarunta Qaran ee Akhris iyo qorid li’idda iyo waxbarashada dadka waa weyn ee Muqdisho, Soomaaliya intii u dhexeysay sanadihii1986-1987.

Jagooyinka kale ee  uu soo qabtay Marxuum Cabdulqani Maxamed Waceys waxaa kamid ah:

Sarkaalka xidhiidhiya Wasaaradda Waxbarashada iyo hey’adda Action Aid intii u dhexeysay sanadihii 1987- 1988.

Agaasime kuxigeenkii Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda intii u dhexeysay sanadhii 1988-1991.

Lataliye ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda intii u dhexeysay sanadihii 2000-2001.

Lataliyahii koowaad ahna Safiir kuxigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait intii u dhexeysay sanadihii 2001-2009.

Siihayahii Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya intii u dhexeysay sanadihii 2009- July 2012.

Safiirkii Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya intii u dhexeysay sanadihii 2012- 2016.

Safiirkii Safaaradda Soomaaliya ee Masar ahaana Ergeyga Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta intii u dhexeysay sanadihii 2016 – May 31, 2019.

Marxuum Danjire Cabdulqani Maxamed Waceys oo ifka kaga tagay xaas iyo caruur ayaa si wacan ugu hadli jiray Afafka Carabiga iyo Ingiriiska, isagoo bishii Maarso sanadkii 2019 la wareegay hoggaanka Ergooyinka Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta, kaltankiisii 151 aad, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad la wareegay shirguddoonka heer Wasiir Arrimo dibadeed muddo xileed gaarsiisnaa lix bilood. Marxuumka ayaa kaalin wacan ka qaatay shirar kala duwan oo ururkaasi ku kala yeeshay wadamada Masar, Lubnaan, Kuweyt iyo Ruushka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close