Wararka

Madaxweynaha Puntland oo hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga, Gurmadkii fataahadda Qardho iyo xanuunka Coronavirus.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey howlgalkii Ciidamada amnigu ay maanta ka sameeyeen Boosaaso kaasi oo lagu dilay rag katirsan kooxda Daacish.

Sidoo kale Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay arrimaha gurmadka Qardho iyo sida uu u socdo, wuxuu u mahadceliyey cidkasta oo ka qeyb qaadatay gurmadka, guddiyadii iyo dhinacyadii kale duwanaa ee ka shaqeynayey.

Halista xanuunka Covid-19 ayuu Madaxweynuhu bulshada uga digay, wuxuuna ugu baaqay dadka in ay qaataan fariimaha iyo talooyinka ay bixinayaan Hay’addaha Caafimaadka u qaabilsan Puntland.

Wuxuu soo hadal qaaday dilal ka dhacay galbeedka magaalada Gaalkacyo wuxuuna sheegay in Puntland ay xoogga saarayso sidii looga hortegi lahaa colaad ka dhex qaraxda labada dhinac.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close