Wararka
Taliska Ciidanka Booliiska Galmudug oo laalay eedeynta Taliyihii ciidanka Booliska Magaalada Dhuuse-mareeb.

Taliska Ciidanka Booliiska Galmudug ayaa beeniyay in rag ka tirsan kooxda Al shabaab laga sii daayay saldhigga ciidamada ee magaalada Dhuusamareeb kadib eedeyn uu soo jeediyay Taliyihii ciidanka Booliska Magaalada Dhuuse-mareeb.
G/sare Cabdikarin Xussen Macalin, Taliyaha Ciidanka Booliiska Galmudug oo qabtay shir Jaraa’id ayaa sheegay in eedeynta uu soo jeediyay sarkaalka aan laga aamusi doonin baarisna lagu samayn doona halka uu ka keenay warkaas.
Sidoo kale Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in ciidanka Booliska astaantooda tahay in ay dhowraan kala danbaynta loona baahanyahay in ay ilaaliyaan sharciga waxaa uuna sheegay in arrinkaani uu samcad dil ku yahay ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaas oo aan ku dhiiran in ay qataan laalush ama ay sameeyaan wax is- daba marin.