Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay Guddiga Qaban Qaabada Aaska Marxuum Macalin Mohamed Ibrahim.

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta mafacaabay  guddiga qaban-qaabada aaska wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Macalin Mohamed Ibrahim oo  ku geeriyooday dalka Hindiya.

Guddiga oo ka kooban 7 xubnood ayaa iskugu jira madaxwayne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland, Wasiiro, ganacsato iyo odayaasha dhaqanka waxaa ayna diyaarin doonaan aaska Marxuumka.

Sida laga soo xigtay masuuliyiinta dowlad Goboleedka Jubbaland Maydka wasiirka ayaa waxaa dalka Hindiya ka soo qaaday diyarad gaar ah taas oo keenayso Magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.  Waxaana lagu wadaa in Maydka wasiirka la keeno Magaalada Kismayo 09 May 2020 oo ku beegan maalinka barito ah.

Hoos ka akhriso liiska magacyada Guddiga:No photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close