Wararka
Fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ku Qabsoomay Habka Online ka oo looga hadlay Covid 19.

Golaha Wasiirrada maamulka Somaliland ayaa maanta yeeshay Fadhigii 58aad oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxaana looga hadlay Xanuunkan dunida saameeyey ee Covid 19, xoojinta go’aankii hore ee lagu joojiyey qaadka.
Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay sidii ay deeganada Somaliland u soo gaadhi lahaayeen daawooyinka iyo mucaawimooyinka Somaliland loogu talo-galay ee ay ku soo deeqayaan Shacabka Somaliland iyo dalalka calamka, iyo dardar gelinta hannaanka wacyigelineed ee xanuunka safmareenka ah ee Coronavirus.
Markii shirkaasi soo dhamaaday ayaa waxa faah-faahin ka bixiyey afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac.